SO | EN

SO | EN

Dowladda Masar oo markale kucelisay in ciidamadeedi si deg deg ah ugu soo biiri doonaan howlgalka AUSSOM

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr. Badr Abdel Aty,  ayaa Arbacadii la kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, oo ay ka qeyb galeen shirka ka socda Madasha Oslo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

Wasiir Abdel Aty ayaa bogaadiyay dardargelinta xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya, Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la sii qoto dheereeyo iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta qaababka iskaashiga ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga, si loogu adeego danaha labada dal

Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xoojinta xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal iyadoo la eegayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Madasha Ganacsiga Masar iyo Soomaaliya ee Qaahira lagu qabtay Janaayo 2025.

Sidoo kale wuxuu muujiyay sida uu u doonayo inay  sii wado Dowladiisa ka faa’iideysiga koorsooyinka tababarrada ah ee ay bixinayaan hay’adaha kala duwan ee Masar ee dhinacyada kala duwan ee kobcinta awooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay aad u daneyneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacan uga geysato howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo sida ay Masar uga go’an tahay taageerada joogtada ah ee ay ku taageereyso ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya, oo qeyb muhiim ah ka ah xasilloonida gobolka oo dhan.

Dhankiisa lataliyaha amniga Qaranka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ku xoojiyay is la adkeeyo xiriirka labada Dowladood.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News