SO | EN

SO | EN

Masar oo war kasoo saartay hubka ay usoo dirtay Muqdisho

|

Qaahira (KAAB TV) – Waxaa dekadda magaalada Muqdisho kusoo xirtay, markab weyn oo siday hub kala duwan oo loogu tala galay in ay adeegsadaan ciidanka xoogga dalka, hubkan waxaa Soomaaliya ugu deeqay dowladda Masar oo dhawaan iskaashi dhinaca milatariga ah yeesheen.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay lagu shaaciyay in Soomaaliya u direen kaalmo milatari, waxa ayna dowladda Masar sheegtay in hubkan ugu talagaleen in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Sioomaaliya, si ay ula dagaallamaan argagaxisada uguna ilaashadaan madaxbannaanidooda.

“Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Masar.

Dhanka kale, dowladda Masar ayaa sidoo kale ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siinayaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen dowladda Masar in ay diyaar u yihiin garab siinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira argagaxiso hubeysan.

Sikastaba, Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milatariga ah, waxaana la filayaa dowladda Masar in Soomaaliya usoo dirto ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaas oo sii xoojin doona taageerada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News