Masar (KAAB TV) -Dowladda Masar ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobaneeyo qof Sabtidii lasoo dhaafay.
War qoraal ah oo ay soo saartay ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ku celisay in ay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo raadinta amniga iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarka.
Qaraxyo is xigxigay oo shalay ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo uu soo xigtay shabakadda wararka ee Horn Observer.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay labo qarax oo is xig xigay oo ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal degmada Dayniile, qaraxaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa goobta, waxaana ku dhintay in ka badan 18 qof, in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Meel 30 kiilo mitir u jirta Muqdisho, Afgooye, ayaa waxaa ka dhacay qarax kale oo sababay dhimashada ugu yaraan afar qof iyo dhaawaca tiro kale oo ka dhacay goob suuq ah.
Dhacdooyinkan ayaa soo shaac baxay maalin un kadib markii qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay uu ka dhacay tuulada Sariitow, oo dhacda galbeedka Baydhabo ee Soomaaliya, kaasoo galaaftay nolosha ugu yaraan 12 qof Jimcihii. Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

