SO | EN

SO | EN

Dowladda oo ciidamo dheeraad geysay deegaanka Cadan Laxey ee gobolka shabeellaha dhexe

|

Cadaan Laxey (KAAB TV) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa degaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale, Ciidamada la geeyay degaanka Cadaan Laxeey oo hoostagta magaalada Ruunirgood ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Sikastaba, maalmahii lasoo dhaafay inta badan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socday howlgalo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay kula dagaalamayeen kooxda Al-shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News