SO | EN

SO | EN

Dowladda oo gaadiid dagaal soo dhigtay baraha korontool ee Mucaaradka guryahooda laga galo

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Dowladda sooamaaliya ayaa gaadiid dagaal soo dhigtay baraha korontool ee Mucaaradka guryahooda laga galo, iyo xaalad kacsanaan ah oo taagan magaalada muqdisho , dagaalna isku badali karta.

Sawiradan idiin muuqda oo Mucaaradka aanu ka helnay ayaa muujinaya baraha gaadiidka laga hubiyo ee laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo gaadiid dagaal lasoo dhigay.

Ujeedada dowladda ee gaadiidkan dagaal loosoo dhigay wadooyinka mmuqdisho ayaa ah iney lascodaan Mucaaradka iyo hubka u gudbaya ama ay heystaan, waxaana Ciidamo kale oo gaaf wareeg ah la dul dhigay goobaha ay daggan yihiin Mucaaradka iyo halka ugu weyn ee ay ku shiraan.

Mucaaradka ayaa aaminsan in dowladdu ay waddo daadaansi dagaal, halka dowladduna sheegtay iney xakameynayso hubka Mucaaradka iyo magaalada iney ku dhex wataan.

Xaaladda baraha kontorool muqdisho ee Mucaaradka ku dhow oo dowladdu keentay gaadiid dagaal, daqiiqad kasta dagaal ayaa ka dhex qarxi kara, haddii aan la helin xal waara.
Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News