SO | EN

SO | EN

Dowladda oo sheegtay in duqeyn lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil Al-Shabaab

|

Muqdisho (Kaab TV) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamka ay beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo kutaalla Gobolka Jubbada Dhexe.

”Xalay Abaaro 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab  ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo ah duqeyn lagu beegsaday goob uu shir uga socday Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

oSidoo kale,dowladda ma shaacinin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan.

Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntaas ayey dowladda sheegtay in lagu dhaawacay horjooge lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi, oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda.

Hasayeeshee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News