Ceelbuur (KAAB TV) – War laga baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgal khasaare geestay laga fuliyay xalay guri kuyaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay Al-shabaab maamulaan xarun weyna u ah.
Sidoo kale, Warbaahinta dowladda warka lagu daabacay ayaa lagu sheegay in la weeraray guri Ceelbuur ka deganaa sargaalka madaxda uga ah Al-shabaab ciidanka loo yaqaan xisbada, waxa ayna sargaalka la weeraray magaciisa lagu sheegay Yaxye Labomadax.
Dhanka kale, ayey dowladdu sheegay in Hawlgalkaan ay fuliyeen dadka deegaanka kaas oo si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga Degmada Ceelbuur, waxaana Al-shabaab lagu gaarsiiyey qasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugudambeyn, howlgalka kadib ayaa Al Shabaab dhankooda waxa ay qaadeen tallaabooyin ay ku dileen xubno katirsan kooxda oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen.