Muqdisho (KAAB TV) -Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaqan gelinta Sharciga Canshuurta Dakhliga (Income Tax Bill), kaas oo beddelaya sharcigii hore ee la ansixiyey sanadkii 1966.
Xeerkan wuxuu soo bandhigay isbadalka canshuurta shaqsiga, shirkadaha, ganacsiyada yaryar iyo ilaha kale ee dakhliga dalka.
Sida ku cad qodobka 9-aad ee sharciga cusub, heerarka canshuurta dakhliga shaqsiyaadka ayaa loo sameeyay nidaamkan. Shaqsiyaadka dakhligoodu ka yar yahay $100 bishii lagama qaadayo canshuur, halka kuwa dakhligoodu u dhexeeyo $101 illaa $500 laga qaadayo canshuur 6% ah.
Sidoo kale, qofka Dakhligiisu u dhaxeeyo 501 ilaa 1500 waxaa uu bixin doona 12%. Halka dadka Dakhligooda ka badan yahay $1500 bishii bixin doonaan 18%.
Sharciga cusub ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay khidmadaha laga qaadayo ilaha sida kirada hantida, faa’iidooyinka saamiyada.
Sharcigan ayaa 10 kii bisha May ansixiyay Golaha Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.