SO | EN

SO | EN

Dowladda oo war kasoo saartay in horjoogayaal kamid Al-Shabaab ey dishay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo  katirsanaa dagaallamayaasha kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale, howlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo sargaal kale oo katirsanaa Al Shabaab.

“Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan kooxda Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug ” Ayaa lagu yiri qoraal dowladda Soomaaliya kasoo baxay.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab wali kama aysan hadlin warka kasoo baxay dowladda somalia sidoo kale ilaa hada ma aysan xaqiijin in ladilay xubno kamid ah Kooxdaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News