Sidoo kale, Agaasime ku xigeenka Ciidanka PMPF ee Puntland Maxamuud Silaal Cumar ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dulmi iyo hayb-sooc lagu weeraro Gen. Sheegow oo ka soo jeeda beelaha laga badan yahay.
Dhanka kale, Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in Puntland u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo cirdiga dadka laga tira-badan yahay ee loogu xoog-sheeganayo awoodda dowladnimada.
“General sheegoow, aqbali-maynno in dulmi lagu weeraro iyo hayb-sooc. Dawladda puntland waxay u taagantahay ilaalinta sharafka iyo cirdiga dadka laga tira badanyahay ee loogu xoog sheeganayo awoodda iyo sharciyadda dawladnimada” ayuu yiri Maxamuud Silaal.
Ugudambeynytii, hadalkan kasoo yeeray sargaalkan katirsan maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal saacado badan socday oo u dhaxeeyay ciidamada xasilinta caasimadda iyo ciidamo taabacsan sargaal lagu magacaabo jeneraal Sheegow.