Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa socdo dadaalo lagu hagaajinaayo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka kadib markii uu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu booqasho kutagay dalka Ruushka.
Kulankan ayaa ahaa kulan heerkiisu sareeyo oo ay wada yeeshaan labadan dal kadib markii ay bilaabatay colaada Ruushka iyo Ukrain taasi oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo Awoodihii hore ee dagaalkii qaboobaa.
Shirjiraa’id oo ay labadan dal si wadajir ah ugu qabteen magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka kaasoo lagu sheegay in ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labadan dal oo an horumar lataaban karo sameynin wixii ka dambeeyay kadib markii uu kacaankii uu xiriirka ujaray Ururka Midowga Sofiyet 45sano kahor.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Moscow kulamo qaatay maalmo badan kula yeeshay Wasiirka xiliga dheer haya xilka oo lagu magacaabo Sergey Lavrov,oo isaguna socdaal uga bilawday Geeska Africa.
Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka ayaa isna dhankiisa sheegay in Soomaaliya uu kacaawin doonan dhismaha ciidanka iyo kudeeqida qalabka milateri oo ka caawin kara dagaalka Al-Shabaab.
Sidoo kale Wasiir Sergey Lavrov, wax faahfaahin ah kama uusan bixin tirada qalabka ciidan ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya, sidoo kale lama oga sida ay usaameenkarto cunaqabteenta hubka ee saaran dowladda Soomaaliya.
Sarkaal sare oo katirsan ciidanka xoogga dalka kana mid ahaa wafdigii lasocday Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov uu dhamaan balan qaad yadaas uu usameeyay Soomaaliya inta uu socday kulanka.