SO | EN

SO | EN

Dowladda Sacuudiga oo xukun dil ah ku riday Nin Soomaali ah oo Daroogo soo galiyay Sacuudiga

|

Riyadh (KAAB TV) – Dowladda Sacuudiga ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah, ka dib markii lagu helay in dalka Sacuudiga uu soo galiyay daroogo.

Sidoo kale, ninkan Soomaaliga ah ee dilka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa ka mid ahaa 45 maxaabiis Soomaali ah oo dawladda Sucuudigu ay hore ugu xukuntay dil, ka dib markii lagu helay in ay waddanka Sucuudiga soo galiyeen Mukhaadaraad.

Dhanka kale, Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Sacuudiga Aways Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay fajac ku noqotay arrinta dilka qisaasta ah ee maanta ay fulisay dawladda Sucuudigu, waxaannu sheegay in ay 44-ka maxaabiis ee hartay ay dawladda Sucuudiga kala hadli doonnaan siddii ay u soo bad-baadin lahaayeen.

Sacuudiga ayaa waxaa u yaalla sharci dhigaya in qofkii lagu helo isagoo dalka daroogo soo gelinaya lagu fuliyo xukun daldalaad ah oo aan ka noqosho laheyn, iyadoo horeyn xukunkaas loogu fuliyey dad fara badan oo dembigaas lagu helay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News