SO | EN

SO | EN

Shiinaha oo bedelay madaxdii u qaabilsanayd hubka Nukliyeerka

|

BEIJING (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa isbadal ku sameeyay hoggaamiyaasha u qaabilsan hubka nukliyeerka, waxa uuna magacabaay hoggaan cusub oo u qaabilsan ilaalinta hubkaasi.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayuu ku bedelay laba hoggaamiye oo ka tirsan unug caan ah oo maamula hubkiisa nukliyeerka, waxa uuna magacaabay labo sargaal kale oo ciidamada katirsanaa.

General Li Yuchao oo madax ka ahaa qaybta ciidanka gantaallada ee ah kuwa xoraynta shacabka (PLA) iyo ku xigeenkiisa ayaa warkooda la waayya muddo bilooyin ah, waxaana hadda soo baxday in la bedelay oo xilalkii laga qaaday.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa u magacaabay ku xigeenkii hore ee ciidamada badda Wang Houbin in uu noqdo madaxa maamulka hubka Nukliyeerka halka kuxigeena loo magacaabay Xu Xisheng oo xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga talada Shiinaha haya.

Dowladda Shiinaha ayaa wada isbadalo dhinacyo badan oo lagu sameenayo ciidamada , waxaana tallaabada uu madaxweynaha hadda qaaday noqotay mid ka mid ah isbeddelada ugu qotoda dheer ee istiraatiijiyadda nukliyeerka muddo tobanaan sano ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News