SO | EN

SO | EN

Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay qaadaneyso doorkii hay’adda USAID ee Mareykanka

|

China (KAAB TV) – Donald Trump, ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu joojiyay taageeradii iyo deeqihii ay bixin jirtay dowladda Mareykanka, gara ahaan kaalmadii la marsiin jiray hay’adda USAID oo dalal badan oo caalamka kuyaalla taageeri jirtay.

Sido kale, dowladda Shiinaha, ayaa hadda iskudayaysa inuu Mareykanka kala wareegto saameynta dhaqaale iyo gargaarka bani’aadanimo oo la aaminsanyahay inay tahay waxa dhaliyay saameynta uu Mareykanka ku leeyahay dunidda daafaheeda.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa diyaar u ah inuu beddelo aragtidaas, wuxuuna buuxinaya goobaha ay ka baxday hay’adda Mareykanka ee USAID , taa beddelkeeda Shiinaha ayaa bixinaya adeegyada gargaar iyo taageerrada dhaqaale ee ay dalalka siin jirtay USAID.

Dowladda Shiinaha, ayaa hadda waxa ay diirada saareysaa sidii ay uga hormari laheyd dalalka Aasiya ee mashaariicda ay ka fulin jirtay USAID, waxaana dalalka lagu wargeliyay inay hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA),maalgelin doonto barnaamijyadii ay waday USAID ee maamulka Trump uu laalay, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Sikastaba, Soomaaliya, ayaa kamid ah dalalka ay saameynta ku yeelatay joojintii Madaxweyne Trump hay’adda USAID, waxaana la filayaa in dowladda Shiinaha buuxin doonto taageeradii Soomaaliya siin jiray Mareykanka,  gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadannimo

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News