SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo aqoonsi buuxa siisay maamulka SSC-Khaatumo

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul goboleed ka madax bannaan maamulada Puntland iyo Somaliland u aqoonsatay maamulka Khaatumo State ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhinac taagan yahay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya u aqoonsadeen maamul goboleed madax bannaan.

Dhanka kale, dadka deegaanka gobolka Sool ayaa dagaal adag ay la galeen maamulka Somaliland kaga saaray magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale, waxa ayna dhisteen maamul madax bannaan oo ula baxeen SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha Khaatumo oo casuumad uu u fidiyay R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ku jooga magaalada Muqdisho ayaa horey kulamo ula qaatay madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News