SO | EN

SO | EN

Dowladda Somalia oo war kasoo saartay dagaal lagu dilay dagaalyahano As ah

|

Shabeellaha Hoose (KAAB TV) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka socda qeybo badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka, ciidamadu ayaa si tartiib tartiib ah ula wareegaya tuulooyin iyo deegaano ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa si gaar ah loogu beegsanayaa goobaha ay kooxda Al-Shabaab ka dhiganaysay xarumo ay ku baaraan gaadiidka dadweynaha, ayna uga qaadaan lacago baad ah.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in howlgalkii ugu dambeeyay laga fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku xeeran, halkaas oo lagu burburiyay isbaarooyin iyo xarumo kale oo ay kooxdaasi ku dhuumaaleysanayeen.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoreynayo shacabka deegaankaas si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo kalsooni buuxda oo la galiyo shacabka ku dhaqan deegaannadaas. Ciidanku waxay xoojinayaan joogitaankooda meelaha laga saaray Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News