SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya ma ku guuleysan kartaa duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab?

|

Muqdisho (KAAB TV) -Bilihii ugu dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka, gaar ahaan gobollada Shabeellooyinka iyo Galgaduud. Howlgalladan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA), kuwa NISA, iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo deegaanka ah.

Bartamihii bishii March, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqasho ku tagay jiida hore ee dagaalka ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si uu u dardargeliyo dadaallada ciidan iyo istiraatiijiyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu la kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada sida taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo agaasimaha NISA, isagoo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada iyo ka hortagga dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolladan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale safar ku tagay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo ciribtiro Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan. Waxa uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan kula dar daarmay in uu dardar geliyo howlaha ka dhanka ah nabad diidka.

Iyadoo ololahan uu socdo, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada NISA howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku dileen ugu yaraan 21 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in howlgalada ay si gaar ah uga socdaan deegaanada ku xeeran Masaajid Cali Gaduud, halkaasi oo uu ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa weli sii wada Weerarrada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeellada Dhexe, sida Gawaarida Qaraxyada iyo Weerarrada gaadmada ah. Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta Masjid Cali Gaduud kadib iska hor imaad xoogan. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u xoojisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo isku haleyneysa ciidamada qaranka iyo dagaalyahanada deegaanka.

Iyadoo howlgallada ay xoojiyeen bilaha soo socda waxay noqon doonaan kuwo muhiim ah si loo go’aamiyo in dadaalladan ay si ba’an u wiiqi doonaan qabsashada Al-Shabaab ee deegaannadaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News