Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal milatari oo loogu magac daray “Banooda”, kaas oo lagu beegsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga.
Warka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay duleedka deegaanka Leego ee gobolka Bay, halkaas oo ciidamada gaarka ah ee Danab ay isku dhaceen maleeshiyaad isku dayay inay hor istaagaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada.
Sida lagu sheegay warbixinta, iska horimaadka waxaa lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub noocyo kala duwan leh oo ay lahaayeen maleeshiyaadka.
Warka ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka ay sii wadaan howlgallada lagu baadi-goobayo xubnihii Al-Shabaab ee goobta ka baxsaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadisay ciidamada ka qaybgalay howlgalka, iyadoo sheegtay in howlgalka Banooda uu qayb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab laguna xaqiijinayo amniga deegaannada Koonfur-galbeed.

