BELEDWEYNE (KAAB TV) –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa billowday guluf dagaal oo ay ku beegsaneyso Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno dhowr ah oo dalka ka tirsan, iyadoo gobolka Hiiraan laga dareemayo diyaar garowga ugu badan ee dagaalka.
Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in la qorsheynayo howlgal ballaaran oo la doonayo in Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanada ay wali ku xoogan yihiin gobolka Hiiraan oo ah gobol ay horay ugala wareegeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee goobta ku sugan ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka, islamarkaana looga sifeynayo haraadiga Al-Shabaab.
Dowladdu waxay ugu baaqday dadka deegaanka ee ku nool gobollada ay dhibaatadu ka dhacday inay gacan ka siiyaan ciidamada milateriga ee dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah, oo muddo dheer ka talinaysay qaybo badan oo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sarreeye Guuto Abuukar Maxamed Xasan, ayaa xaqiijiyay howlgalka ballaaran, isagoo dadka shacabka ah ka codsaday in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka si ay u guda galaan duulaanka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Howlgalladan ayaa daba socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhowr jeer oo hore ay dowladdu ku guuleysatay in ay dib ula wareegto deegaanno dhowr ah oo ay horay u maamulayeen Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, duullaankan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dadaalladii hore ay dib-u-dhacyo soo food-saareen, dowladduna ay doonayso inay si buuxda u baabi’iso khatarta maleeshiyada ee gobolka.