BAXEEYN(KAAB TV)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Dr. Sheekh Mohamed Bin Abdullah Al-khaliifa iyo wasiirada Caafimaadka Baxreyn Dr. Jaliila Bint Al-sayid Jawad.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Baxreyn kaalinta ay ka qaateen horumarinta Caafimaadka Soomaaliya asaga oo ku adkeeyay in ay sii labo jibaaraan dadaalada ay ku garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee ay ku bixinayaan horumarinta qeybta guud ee Caafimaadka dalkeena.
Wasiirka ayaa kala hadley Madaxda Wasaarada Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn in ay gacan ka geystaan gurmadka dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen fatahaadaha ka dhashay roobabka El-nino, wuxuu sidoo kale ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Tayeynta iyo horumarinta Hey’adaha Qaran ee maareeynta dawada iyo mihnadlayaasha Caafimaad.
Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Baxreyn ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam booqashada uu ku yimid dalkooda waxayna balan qaadeen in ay xoojinayaan xiriirka labada wasaaradood islamarkaana ay ka taageeri doonaan dhisidda nidaamyada Caafimaad ee casriga ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.