SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaaddii Cali Dheere

|

Muqdisho (Kaab TV)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaalya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul ugu jawaabay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wasiirka ayaa si weyn uga horyimid hanjabaadda uu Cali Dheere u diray ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin iska hadlay.

Jibriil Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in Cali Dheere aan waxba laga weydiineynin ilaalinta hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in cidda laga ilaalinaayo hantida shacabka ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey inay baad ka qaado ganacsatada iyo shacabka.

Ninka Cali Dheere la yiraahdo ee ku hadla Afka Alshabaab, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinaayo ay tahay isaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu boggaadin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqan-geliyay amarka kasoo baxay dowladda ee ku aadanaa in aysan la macaamilin Al-Shabaab, ayna iska diidaan farriimaha uga imaanayaa dhanka kooxda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News