Muqdisho (KAAB TV) -Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan qaab-dhismeedka beesha caaalamka, kaasoo tan iyo 2010 loo adeegsanayay isku-duwidda taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa qoraal rasmi ah oo uu u diray Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku sheegay, in Dowladda Federaalka ay hadda u aragto qaab-dhismeedka beesha caaalamka mid duugoobay, kana fog xaqiiqada dhabta ah ee dalka maanta ka jirta.
“Maanta, Soomaaliya waa dal madax-bannaan oo leh hay’ado dastuuri ah oo si buuxda u shaqeynaya, hannaan dimuqraadi ah oo bislaaday, iyo aragti qaran oo ku wajahan nabad iyo horumar. Dalka kama jiro xaalad kala-guur ah,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Wasiir Cali Balcad wuxuu caddeeyay in sii wadidda qaab-dhismeed dibadda laga hago ay dhaawac u geysan karto madax-bannaanida, sharciyadda iyo sumcadda hay’adaha Dowladda Federaalka. Sidaas darteed, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in la joojiyo qaabka C6+, laguna beddelo hannaan iskaashi oo cusub, kaas oo waafaqsan marxaladda cusub ee Soomaaliya ay ku jirto.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay yeesho iskaashi dhab ah oo ku dhisan ixtiraam, matalaad dhab ah, iyo dan-wadaag rasmi ah. Waxaa la joogaa xilligii dib loogu eegilahaa qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.
Wasiir Cali Balcad wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto wada-shaqeynta beesha caalamka, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashigaas uu noqdo mid ka tarjumaya madax-bannaanida iyo horumarka ay dowladda Soomaaliya maanta gaartay.
Warkan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in beesha caalamku ay saluugsan tahay qaabka dowladda u wajahayso xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Dhawaan, Dowladda Maraykanka ayaa ka hortimid hannaan doorasho oo aan lagu midaysnayn, iyadoo sheegtay in aysan helidoonon wax sharciyad ah.
Beesha caalamka ayaa ah wakiillo si dhow ula socda arrimaha siyaasadeed, amni, iyo horumarineed ee Soomaaliya. Waxaana loosoo gaabiyaa C6+ oo tilmaamaysa 6 hay’adood ama dowlado waaweyn iyo urur kale oo kala ah, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.