Nairobi (KAAB) – Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay Somaaliland garab ku siinayso duqeynta ay ka wado dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay Magaalada Laascaanood.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu qabtay Nairobi xalay, isaga oo si gaar ah u tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/Wasaare Xamze Cabdi Barre.
“Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.
Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaad Jaamac.
“Waxaan ognahay in adduunkii dhaleeceyn lahaa waxa Somaaliland ay Laascaanood ka wado ay hor istaagtay dowladda federaalka, iyagoo dhahaya xalka arrintaas anagaa heyna, waxana cadeynayaa in wax xal ah aysan heyn dowladda dhexe,” ayuu yiri Garaadka guus ee SSC Khaatumo.
Sidoo kale Garaadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kala hor tegi doonaan hadii ay cadaato inay wax ka wado qorshaha dalka lagu kala goynayo ee Somaaliland ay wado.
Dowladda federaalka ah weli kama falcelin eedeynta loo jeediyay Horey, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Sool.