SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo markale dib ubilaabeysa gulufka kadhanka ah Al-Shabaab

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Sidoo kale, ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay Al Shabaab horey uga qabsadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.

Ciidankan ayuu Madaxweynuhu kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.

Ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno ay maamulaan.

Dowladda Soomaaliya oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay Al Shabaab ka saareen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News