SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo Midowga Afrika uga tacsiyadeeysay Askartii ku geeriyootay weerarkii Buulo-Mareer

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa lakulmey wakiilka gaarka ah ee Xasilinta iyo Arrimaha Rayidka Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka ayaa waxay uga wada hadleen weerarkii dhawaan kadhacey saldhiga Buulo mareer iyo talaabooyinkii la qaaday si loo sugo xaalada amni ee degaankaas.

Waare ayaa u tacsiyeeyey Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii degaanka Buulo-Mareer una rajeeyay caafimaad deg deg ah askarta katirsan howlgalka ATMIS ee ku dhaawacantay.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay wadashaqeynta kala dhaxeysa, isaga oo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, weerarkaas waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera Soomaaliya.

Hasayeeshee, weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo sidoo dhanka kale, madaxweynaha Uganda Yower Museveni ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas looga 54 askari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News