Muqdisho (KAAB TV) – Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalkan waxa la sheegay in muddo saacada ah halkaas uu ka socday isla markaana sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Deegaanka dagaalkan uu ka dhacay oo lagu magacaabo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee koonfurta Muqdisho waxa ku sugnaa ciidamo isugu jira Duufan & Danab soo gaar ah u tababaran.
Dagaalkan waxaa lagu dilay saraakiil uu kamid yahay Liibaan Golcad oo kamid ah saraakiisba ugu sareysa ciidanka boolis Milatari, kudhiwaad 10 kale oo askar iyo saraakiilba leh ayaa ku geeriyootay dagaalka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shabaabka oo qabsaday goobta ah dab qabad siiyeen gaadiid dagaal iyo Cagafyo ay ciidamaddan wateen.
Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka wada howlgal lagu baadi goobayo saraakiil la la’ yahay iyo gaadiidka qaar oo aan la heyn.