SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xog ku saabsan dhaaqaalaha Alshabab

|

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in ay dowladdiisu gacanta kuheyso tobaneeyo kamid ah xisaabaadka kooxda Alshabaab iyo Akoonnada ay ku leeyihiin Bank-yada oo uu sheegay in ay dowaladda xannibtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in uu faahfaahin ka bixindoono xogtan cusub ee ku saabsan kooxda Alshabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Soomaaliya.wuxuuna hadlakan ka sheegay khudbad uu khamiistii ka jeediyay banaanbax looga soo horjeeda Alshabab oo ka dhacay Muqdisho.

“Lacag malaayiin ah ayaa xisaabaadka iyo telefoonnada Al-shabaab ku xayiran maantadan aan idinla hadlayo, dowladdu way soo bandhigi doontaa,” ayuu ku yiri khudbadda uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale madadxweynaha Soomaalioya ayaa shacabka Muqdisho uga digay in ay Alshabab siiyaan wax uu ugu yeeray “Lacago baad ah oo ay shacabku siiyaan kooxda”.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah shacabka gobolka Banaadir ugu boorriyay in aaney ka cabsan Al-shabaab oo aaney dhaqaale u siin cabsi darted, maadama sida uu sheegay lacagaha laga qaado shacabka lagu sameeyo qaraxyada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News