SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay Mansoor Tima-Weeyne oo katirsanaa AS

|

Muqdisho (KAAB TV) – War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay sargaal sare iyo xubno kale oo katirsanaa kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, duqeynta oo iska kaashadeen milatariga Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa lala beegsaday saraakiil iyo xubno katirsan kooxda Al-shabaab, waxa ayna duqeyntan ka dhacday deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe, gaar ahan deegaanka Damasha iyo Shabeeloow.

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka xoogga, ayaa lagu sheegay in la khaarajiyay Mansoor Tima-Weeyne, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay isku diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka ee Al Shabaab waxa uuna ninkan ka yimid dhinaca Koonfur Galbeed.

Sikastaba, duqeymo culus oo maalmihii lasoo dhaafay lala beegsanayay kooxda Al-shabaab oo soo gashay deegaanno katirsan Shabeelaha Dhaxe, ayaa lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahanno badan, waxaa sidoo kale lagu gubay gaadiid badan oo nuuca dagaalka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News