SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay kaalmadii ay ka heli jirtay Mareykanka aysan wax iska badalin

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay wali sideeda tahay  taageerada maaliyadeed ee ay ka hesho Dowladda Mareykanka, ee dhinacyad horumarinta amniga iyo arrimaha bini’aadannimada.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka cusub ee Mareykanka ay isla afgarteen in la sii wado kaalmooyinkii Mareyknka uu siin jiray Soomaaliya.

Dhanka kale, dhowaan ayey markii maamulka Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay in dowladdiisa ay hakisay kaalmadii ay siin jireen caalamka, sababo laxiriira musuq maasuqa lagu sameeyo deeqaha lagu bixiyo in lagu taakuleeyo dadka maasaakiinta ah.

Wasiirka maaliyada dowladda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dhowaan baarlamaanka ka sheegay in DF ay dusha uridatay culeysyadii ay dowladda Mareykanka ay ku bixin jirtay in Soomaaliya ay ku taageerto, taas oo gaareysay sanadkii 1.5milyan, culeyskaasna ay hadda Df qaadatay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News