SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furtay Imtixaanka qoraalka ee xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed kaliya waxaa shuruudaha buuxiyey 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayay musharaxiinta guddiga Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka.

Guddoomiye Cumar Faaruq ayaa sheegay in ka sokoow aqoonta shahaadada heerka sare uu qofka xil dowladeed haya ee xubinnimada guddigan isku soo sharaxaya uu ugu horeyn iska soo casilayo xilka ama shaqada uu ka hayo hay’ad dowladeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo iyana furidda imtixaanka kadib saxaafadda kula hadashay xarunta Jaamacadda Umadda ee Imtixaanka lagu qaadayey ayaa sheegtay in ay tani tahay tallaabo taariikhi ah oo guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka si daah furan imtixaanka looga qaadayo, waxaana ay nasiib wacan u rajeysay ka qeybgalayaasha Imtixaanka.

Imtixaankan qoraalka ah ayaa ah tallaabada labaad ee musharaxiinta guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyadoo tallaabadii koobaadna ay aheyd is diiwaan gelinta taasi oo ay isku soo diiwaan geliyeen 302 ruux, iyadoo tallaabada ugu dambeysa ay tahay imtixaanka afka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News