Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula qaatay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay diirad saarida dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al shabaab iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, Ahmed Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, Taliyaha AFRICOM, Gen. Michael E. Langley, oo ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan Taliska AFRICOM.
Mas’uuliyiintaan ayaa diirada ku saaray kulankaan dardar-gelinta howlgalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo khatar ku haya xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay qaababka loo horumarin karo hawlgallada socda, loona tayeyn karo awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyada oo loo marayo tababarro, qalabeyn, iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah oo ku saabsan la dagaallanka argagixisada.
Ugu dambeyntii, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha ciidanka, duqeymaha cirka, iyo garab istaagga ay u muujiyeen dib u xoreynta deegaannada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed.