SO | EN

SO | EN

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyn xalay ka dhacday buuraha Calmiskaad

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn dhanka cirka ah oo xalay ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka.

Sidoo kale, duqeynta Mareykanka uu fuliyay ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha ee katirsan kooxda Daacish oo ku sugan  Buuralayda Calmiskaad.

”Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad, waxa ayna dowladda sheegtay in ay socdaan qiimeynta khasaaraha ka dhashay duqeyntan dhacday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News