SO | EN

SO | EN

Dowladda UK oo ku dhawaaqday in laxiray safaaradii ay ku laheyd Qaahira

|

Qaahira (KAAB TV) – Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in si ku meel gaar ah loo xiray safaaradooda Qaahira ka dib markii masuuliyiinta Masar ay ka qaadeen xeeyndaabkii dhanka ammaanka ee dhismahaasi.

Sidoo kale, Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo.

Dhanka kale, go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kaddib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London.

Daily News Egypt ayaa sheegtay in todobaadkii hore la xiray nin taageersan dowladda ka dibna la sii daayay kaddib markii ay u muuqatay in uu ka hortagay oo ay isku dhaceen dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Masar ee Boqortooyada Ingiriiska.

Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty uu todobaadkii hore taleefoon kula xiriiray la taliyaha amniga qaranka ee Britain Jonathan Powell, isagoo ka codsaday in la caddeeyo xariga.

Abdel-Ati ayaa horay u sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay “ka jawaabto” wadamada “ku guuldareystay in ay dammaanad qaadaan ilaalinta safaaradaha Masar si waafaqsan qodobbada Axdiga Vienna.”

Xariga ayaa dood ka dhaliyay Masar, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadda Masar ay ka codsadeen dowladda Masar inay ka qaadaan xeeyndaabka hore safaaradda UK ee Qaahira.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News