SO | EN

SO | EN

Dowladda UK oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Xasan.

|

London (Kaab TV)– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda UK ay qaaday tallaabo ka dhan ah madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay in maalmaha soo socda uu safar shaqo ku gaaro London.

UK ayaa si toos ah farriinteeda ula wadaagtay dowladda federaalka, waxayna u sheegtay in madaxweynaha uusan qeyb ka eheyn madaxda  rasmiga ah ee la marti qaaday, isla-markaaa la beddalay liiskii hore ee casuumaadda.

Sababta ayaa lagu sheegay in ey la xiriirto dhanka socdaalka UK maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xayiraadda dhanka socdaalka isla-markaana aysan diyaaradaha si toos ah isaga kala gudbi karin magaalooyinka Muqdisho iyo London.

Go’aan cusub oo ay hada soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh laga saaray liiska madaxda lagu casuumay xafladda caleema saarka boqorka UK isla-markaana laga joojiyay safarkii uu ku tegi lahaa waddankaasi.

Ingiriiska oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa taageerada u fidiya Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhanka dhaqaalaha.

Si kastaba, horay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u booqday dalka Ingiriiska, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuna ka qeyb galay aaska boqoradii waddankaasi, Queen Elizabeth balse eysan maanta macquul eheen in uu kaqeyb galo xaflada caleema saarka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News