SO | EN

SO | EN

DR Maxamed Bilaal ‘’Ujeedka safarkeena ee Baraawe waa dagaalka Al- Shabaab ‘’

|

BARAAWE (KAAB ) Maanta  oo Isniin ah waxa  magaalada Baraawe ee Shabeellaha , hoose gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha maamulka kpoonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen , halkaas oo ay  uga soconayaan shirar kala duwan.

Shirarkan waxaa diirada lagu saarayaa , howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab iyo hergalinta mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka burbursan ee magaalada Baraawe.

Waxaa ku wehliyay safarka Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ku tagay magaalada Baraawe  xubno ay ka mid yihiin la taliyaashiisa oo uu ka mid yahay  La – Taliyaha dhanka arrimaha bulshada , Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

La taliyaha oo la hadlay  Goobjoog ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hadlida arrimo ay ka mid yihiin la kulanka saraakiisha ciidanka  si loogala hadlo howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

‘’In Al- Shabaab laga sifeeyo Shabeelaha hoose waa qayb ka mid ah safarka Madaxwaynaha ee magaalada Baraawe ‘’ sidaas waxa sheegay La Taliyaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen

Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen  ayaa gaaritaankiisa ka dib magaalada Baraawe waxa uu faahfaahiyay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee Muqdisho ku soo idlaaday.

Shirarkan ayaa maalmahan waxa ay ka sii socon doonaan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News