SO | EN

SO | EN

DRC: Mareykanka oo cunaqabatayn saaray wasiir Rwanda iyo hogaamiye jabhad

|

NAIROBI (Kaab TV) – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Wasiirka Xiriirka Goboleedka ee Rwanda, James Kabarebe, iyo sarkaal sare oo ka tirsan koox hubeysan, sababo la xiriira doorarkooda lagu eedeeyay inay ku leeyihiin colaadda ka socota bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Cunaqabatayntan ayaa timid xilli maleeshiyada M23 ay sii xoojisay weerarradeeda, taasoo keentay in dad badan ay u qaxaan dalka deriska la ah ee Burundi.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka Khamiistii, ayaa lagu sheegay in James Kabarebe, oo horey u soo noqday taliyaha ciidanka, uu “door muhiim ah ku leeyahay taageerada ay Rwanda siiso kooxda hubeysan ee M23.”

Waxa kale oo cunaqabataynta lagu beegsaday Lawrence Kanyuka Kingston, oo ah afhayeenka ururka Congo River Alliance – oo ay ka mid tahay M23 – iyo labo shirkadood oo uu maamulo oo ka diiwaangashan UK iyo France.

Waxa kale oo cunaqabataynta lagu beegsaday Lawrence Kanyuka Kingston, oo ah afhayeenka ururka Congo River Alliance
Waxa kale oo cunaqabataynta lagu beegsaday Lawrence Kanyuka Kingston, oo ah afhayeenka ururka Congo River Alliance.

Kingston, oo dhalashadiisu tahay British, waxa uu dhashay 1970-kii, waana injineer horeyna uga shaqeeyay shirkad fadhigeedu yahay London.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay tilmaantay in shakhsiyaadkan iyo shirkadahooda lagu eedeeyay “falal rabshado iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” oo ka dhacay gudaha DRC.

“Tallaabadan maanta waxay xoojinaysaa baahida loo qabo in Rwanda ay dib ugu laabato wadahadallada uu hoggaaminayo geeddi-socodka Luanda ee Angola, si xal loogu helo colaadda ka taagan bariga DRC,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Rwanda ayaan weli ka hadlin cunaqabataynta.

Hase yeeshee, Kigali waxay si joogto ah u beenisay eedeymaha ka imaanaya Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dhowr waddan oo kale, kuwaas oo sheegaya in ay si militari ah u taageerto M23.

Dhanka kale, Rwanda ayaa ku eedeysay DRC inay martigelisay kooxda FDLR, oo ah koox hubeysan oo ay dhiseen xubno ka tirsan qowmiyadda Hutu-ga ee ka qayb qaatay xasuuqii Tutsiga ee Rwanda sanadkii 1994.

Dowladda DRC ayaa iyana Rwanda ku eedeysay inay leedahay “damac ballaarin” iyo inay si sharci-darro ah u gurato kheyraadka dabiiciga ah ee Congo.

Jarmalka oo u yeeray safiirka Rwanda 

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii hore ayaa muujisay in kooxda M23 ay si qarsoodi ah Rwanda ugu dhoofisay 150 tan oo macdanta coltan ah sanadkii 2024.

Dhanka kale, Jarmalka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in safiirka Rwanda ee Berlin loo yeeray si loola xisaabtamo, ka dib markii maleeshiyada M23 ay horumar ka sameysay bariga DRC.

“Maleeshiyada M23 oo ay taageerto Rwanda waxay sii waddaa weerarradeeda bariga DRC. Rwanda waa in ay ixtiraamtaa madaxbannaanida DRC oo ay ciidamadeeda kala baxdaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo lagu daabacay barta BlueSky.

“Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa xadgudubkan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah, waxaana u yeernay safiirka Rwanda.”

Berlin waxay sidoo kale ugu baaqday dowladda DRC inay wadahadal la gasho M23, iyagoo isla markaana xusayay in Rwanda ay leedahay “danaha amni ee sharciyeysan.”

Dagaalka sii xumaanaya ayaa sababay in dadka ugu badan ee qaxaya ay gaaraan Burundi tan iyo 25 sano ka hor. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in ilaa 30,000 oo qof ay ka gudbeen xadka, iyagoo ka baxsanaya dagaalka

“Dadka wali kumanaan ayay maalin kasta usoo qulqulayaan,” ayay tiri Brigitte Mukanga-Eno, oo ah wakiilka UNHCR ee Burundi, xilli ay la hadlaysay warbaahinta Arbacadii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News