Drone militari oo Turkey leedahay oo ku burburtay garoonka Muqdisho

|

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa galabnimadii Sabtida 18-ka July 2026 muddo kooban loo xiray sababo amni awgood, kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ay ku burburtay qaybta ay diyaaradaha ka soo degaan.

Drone-ka oo ahaa nooca Bayraktar TB2 ee ay leeyihiin ciidamada Turkiga ayaa burburay wax yar kaddib markii uu ku soo laabtay garoonka, saacad ku dhow markii uu ka duulay.

Diyaaraddan oo inta badan loo adeegsado howlgallada basaasnimada iyo kormeerka cirka ayaa ku gubatay goobta ay ku dhacday.

Saraakiil amni oo ka tirsan garoonka Aadan Cadde ayaa Kaab TV u sheegay in aan weli la ogeyn sababta keentay ciladda ku timid drone-ka Turkiga ee ku dhacday gudaha garoonka.

Burburka drone-ka ayaa sababay inuu dab qabsado, taasoo keentay in si ku meel gaar ah loo xiro qayb ka mid ah waddada diyaaradaha ay ku duulaan kuna soo degaan, si loo xaqiijiyo ammaanka garoonka. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in tallaabadan ay ahayd mid taxaddar amni ah.

Dowladda Turkiga ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan, halka dowladda Soomaaliya ay sidoo kale ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso.

Turkiga ayaa qeyb ka mid ah garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho u adeegsada howlaha milatari, halkaas oo uu ku leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha kale ee dagaalka, oo ay ku jiraan diyaaradaha F-16 ee uu dhawaan keenay.

Arrintan ayaa dhalisay walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha rayidka ah ee isticmaala garoonka, kuwaas oo ka digaya in isku dhafka howlaha milatari iyo duulimaadyada rayidka ah uu abuuri karo khataro amni.

Drone-yada Turkiga ayaa si joogto ah u sameeya duulimaadyo kormeer iyo basaasnimo ah oo ka socda hawada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, waxaana sidoo kale loo adeegsadaa howlgallo duqeyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow caasimadda.

Si kastaba, waxaa horey u jiray eedeymo loo jeediyay ciidamada Turkiga oo ku saabsan in duqeymo drone ah ay waxyeello ku gaarsiiyeen dad rayid ah oo ku nool Shabeellaha Hoose, duleedka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Dowladda Turkiga weli si rasmi ah ugama hadlin eedeymahaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News