MOGADISHU (KAAB TV) –Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda ay qabanayaan Banaanbax nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan dhulka laga kiciyay Shacabkii dagnaa.
Shir jiraa’id oo ay ku qabteen Hotel Jazeera habeenimadii Arbacada ayay uga dhawaaqeen go’aankaan, isaga oo warbaahinta la wadaagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxa ay u qorsheeyeen in uu ka qabsooma saddex goobood, “Maalinta Sabtida waxaan qabaneynaa Banaanbax, ka dhici doona Tarabuunka, Deyniile iyo Siinaay, maanta laga hadli maayo doorasho iyo Dastuur,” sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Go’aanka ka soo baxay Mucaaradka waxaa saacado ka dib ka hor yimid guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Xuseen Muungaab.
“Qofkii isku daya in uu banaanbax ku qabto Muqdisho isaga oo aan fasax u haysan, waxa aan Hay’adaha amniga amrayaa in tallaabo sharci ah laga qaado,” sida uu yiri Duqa Muqdisho.
Haddaba Duqa Muqdisho awood ma u leeyahay in uu baajiyo bannaanbaxa?
Hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadal hayn waxa ay ka abuurtay baraha bulshada, iyaga oo dadka iswaydiinayaa sharciyan in Duqa Muqdisho awood u leeyahay in uu hor istaago bannaanbaxa ay dhigayaan shacabka ama mucaaradka.
Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 20-aad ee ka hadlaya Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka, ayaa faqraddiisa 1aad ka hadlay ka qeyb galka bannaanbaxa.
Qodobka 20aad Faqradda 1-aad ayaa u qoran sidaan, “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo sixasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.”

Sida ku cad farqaddaan ayaa mucaaradka fursad u siinaysa in ay qabsadaan bannaanbax xilliga ay rabaan, balse diidmada dowladda hoose ee Xamar ayaa suuragal ka dhigi karta in ay abuuranta is hor imaad dhexmara mucaaradka iyo dowladda sida dhacday 2022-kii.

