MOGADISHU (KAAB TV) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen oo loo garan og yahay Muungaab ayaa dib u magacabiistiisa lagu eedeeyay in uu mushaar dhimis ku sameeyay qaar ka mid holwadeennada dowladda Hoose, iyo lataliyaal.
Duqa Muqdisho oo ka hadlay horaanta bishaan meel fagaaro ah ayaa sheegay in dowladda Hoose ay lacag siin doonta cid kasta oo wax u qabatay, halka ay qarashaadka ka jari doonta cid kasta oo aan wax u qaban.
Muungaab oo ka hadlayay furitaanka dhismo cusub oo loo sameeyay warbaahinta gobolka ayaa sheegay in maamulkiisa uu xuquuqsiin doona shaqaalaha aan xaquuqda lahayn, ka dib markii banaanka u soo baxday qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose oo aan wax mushaar ah qaadan.
Xuseen Sabri oo ka mid ah macallimiinta magaalada Muqdisho ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in qarashaadkii uu jartay Duqa Muqdisho loo wareejiyay, “qaaqlayaasha Baraha Bulshada” si ay banaanka u keenaan waxbqabadka maamulka.
“Guddoomiye Muungaab wuxuu ku faanay in uu lacagtii ka jaray odayaashii gobolka Banaadir laga biili jiray, laakiin hal arrin ayaa jirto oo Guddoomiyuhu wuxuu lacagtii u wareejiyay qaaqlayaasha Baraha Bulshada, si ay isaga ugu ammaanaan, bulshadana ugu sheegaan in uu odayaashii lacagta ka joojiyay,” sida uu yiri Xuseen Sabriye oo ka mid ah barayaasha Muqdisho.
“Kor iyo hoos lacagtii qasnadda Gobolka waa ka maqan tahay balse waxaa isbeddelay dadka la siinayo. Odayaashu ilmahooda ayay ka biilan jireen, balse qaaqlayaashu canshuurtii shacabka ayay bulshada ku marinhabaabinayaan,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayay cabashada Shacabka Muqdisho ee ka dhan ah Duqa Muqdisho, ka dib markii wadayaasha gaadiidka ay cabasho ka keeneen waddooyinka xiran ee sababay saxmadda gawaarida, iyo burburka ka muuqda waddooyinka qaar.
Dib u magacaabistii Muungaab Shacabka Muqdisho waxa ay u muujisay fursad cusub, balse 100 berri ka dib waxaa muuqata in Maayaraka caasimadda in uu ku howlan yahay magacaabista iyo xil ka qaadista guddoomiyaasha gobolka Banaadir.

