SO | EN

SO | EN

Duqa Muqdisho & Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir oo kawada hadlay nabadgalyada Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlay Nabadgalyada Caasimadda la yeeshay ku xigeenkiisa dhinaca amniga & Siyaasadda, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA ee Gobolka Banaadir, kan qaybta Booliiska iyo Ciidanka Booliiska sida Militariga u tababaran.

Kulankaan waxa uu daarnaa adkeynta Amniga Magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ayaa is dhaafsaday qorshaha lagu xoojin karo wadashaqeynta ka dhaxeysa, in Shacabka lagu dhiirrageliyo la shaqeynta ciidamada u xilsaaran nabadgalyada iyo in meel looga soo wada jeysto cid weliba oo xasilooni darro ka shaqeyneysa.

Guddoomiye Amiir ayaa Saraakiisha ku dhiirrageliyay sida joogtada ah ay u kormeeraan goobaha lagu hubiyo amniga Magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale amaanay ciidamada u taagan kahortagga falalka nabadgalyada liddiga ku ah ee saameynta taban ku reeba Shacabka Caasimadda sida uu hadalka u dhigay.

Habeennadii u dambeeyay waxaa degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ka socday howlgallo xooggan oo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ka sameynayaan Magaalada Muqdisho, waxaa dhinac socda kormeer ay ku sameynayaan saraakiisha qaabilsan dhinaca nabadgalyada Caasimadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News