SO | EN

SO | EN

Duqeymo culus oo xalay ka dhacay buuraleyda gobolka Bari

|

Bari (KAAB TV) – Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay degaano ka tirsan buuraleyda gobolka Bari kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ee aagagaas salshigyada ku leh.

Sidoo kale, dagaalkan ayaa qeyb ka ah duulaan balaaran oo ciidamada Puntland ku doonayaan iney ku soo afjaraan xooggaga Daacish ee muddo sanado ah halkaas dagaalo ka waday.

Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo dusha ka taageeraya ciidamada Puntland ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay dhulka buuraleyda ah, iyadoo la maqlayey qaraxyo waaweyn oo rasaas xooggan ka dhacaayeen aagaas.

Howlgalka Ciribtirka Daacish ayay guulo muhiim ah ka gaartay Puntland, waxaana ilaa hadda gacantooda laga saaray Talisyadii ugu muhiimsanaa, keydkii Raashinka ee kooxdan ayaa lasoo bandhigay oo ay yaalan nooc kasta oo Raashin ah kaasoo ciidan ka badan 600 askari ay bilo isticmaali karaan.

Duqeymihii u danbeeyey ayaa gaarsiiyey khasaare, dhimasho iyo dhaawacba leh, iyagoo Miinooyinkii ay wadooyinka ku gooyeen la saaray intii ugu badnayd.

Sidoo kale,  4 kamid ah diyaaradaha drone-ka oo ay qaraxyo ku xireen ayaa laga soo riday kooxda daacish.

Sikastaba, howlgalka ayaa haatan maraya bilow, waxayna galeen kooxda Daacish dhulka buuraha sare, oo iyana howlgaladu cir iyo dhulba kaga socdaan, sida ay sheegtay dawladda Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News