Hiiraan (KAAB TV) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab.
War lagu baahiyay telefishinka dowladda Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in xubnaha kooxda Al Shabaab ee duqeynta dhinaca cirka ah lagu beegsaday ay ku howlanaayeen diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.

