Calmiskaad (KAAB TTV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo lagu garaacay godad la sheegay in ay ku dhuumanayaan saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish.
Sidoo kale, duqeynta oo la sheegay in ay tahay mid aad u culus oo jugteeda meelo badan laga maqlayay ayaa lagu garaacay togaga Miraale iyo Baalade sare, waxaana halkaasi la tuhmayaa in ay joogaan xubno katirsan Daacish oo ka firxaday farumaha dagaalka.
Dhanka kale, Saraakiil katirsan ciidamada maamulka Puntland oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta gantaalo culus oo lagu garaacayo goobo ay ku dhuumaaleesanayeen xubno katirsan kooxda Daacish oo lagu jabiyay dagaala dhinaca dhulka ah.
Duqeymahan maanta lagu garaacay godadka ay gabaadka ka dhiganayeen kooxda Daacish, ayaana wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan khasaaraha Daacish lagu gaarsiiyay duqeynta.
Sikastaba, habeenno kahor duqeymo ka dhacay togga Miraale ayaa lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Daacish, gaar ahaan xubno ajaaniib ah oo meydadkooda dul tageen ciidamada Puntland, waxaana duqeymahan inta badan Puntland ciidankooda ku taageera Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.