Dhusamareb (KAAB TV)- Ugu yaraan 50 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay Isniintii ka fuliyeen meel u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Jiis uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarka.
“Kooxda alshabaab ayaa isugu soo ururay deegaanka Baraag Garguurte, si ay isku dayaan inay weerar ku qaadaan dadka deegaanka ee ku dhow degmada Xarardheere, balse waa la fashiliyay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.
Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.