Marka (KAAB TV) -Wararka ayaa sheegaya in duufaan laga shakisan yahay in Laly ay ku dhufatay magaalo xeebeedka Marka iyadoo 7 caruur ah ay ku qaraqmeen badda dhexdeeda. Maxamed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu guuleystay in la soo saaro meydadka laba ruux.
Gudoomiyaha ayaa waalidiinta ku booriyay inay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan halka ay ku sugan yihiin caruurtooda.
“Waxaa socda dadaallo lagu raadinayo kuwa kale. Waxaan ku boorinaynaa waalidiinta inay caruurtooda ka ilaaliyaan inay badda aadaan xilligan oo kale,” ayuu raaciyay.
Wararka ayaa imaanaya xilli Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee @SoDMA_Somalia ay digniin deg deg ah ka soo saartay duufaan loogu magac daray Laly oo ka socota badweynta Hindiya taasoo ay sheegtay in la filayo inay saameyn ku yeelato xeebaha Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo gobolka Banaadir.
War saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayay kaga digtay in duufaanta Laly ay si degdeg ah ugu soo wajahan tahay magaalooyinka xeebaha ah, sida Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, Kismaayo, iyo Badhaadhe. Dadweynaha ayaa lagula talinayaa inay aad uga taxadaraan maadaama duufaantu ay sababi karto khasaare hantiyeed oo baaxad leh, isla markaana ay khatar weyn ku keeni karto dadka deggan deegaanadaas.
Wakaaladu waxay kula talisay dadka deegaanka inay raacaan tilmaamaha badbaadada ee ay soo saareen maamulku. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay isugu dubaridi lahayd gurmadka iyo taakuleynta goobaha ay dhibaatadu ka dhacday si loo yareeyo saameynta duufaanta.