Kansas (KAAB TV) – Dalka Mareykanka gobollo katirsan waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay duufaano xooggan oo ku dhuftay, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin badan.
Sidoo kale, inta laxaqiijiyay 34 qof ayaa ku dhimatay Mareykanka ,waxaana ka mid ah 12 ku dhimatay Missouri keliya, kadib markii duufaan culus ay ku dhufatay gobollada koofur-bari, iyadoo gawaarida iyo guryahaba ay saameysay.
Dhanka kale, gobolka Kansas, in kabadan sideed qof ayaa ku geeriyootay kadib markii in ka badan 55 gaari ay shil galeen sababo la xiriira duufaanta busta wadata.
In ka badan 250,000 guri ayaa koronto la’aan ku ah ilaa toddoba gobol oo ay ku jiraan Michigan, Missouri iyo Illinois.
Sikastaba, duufaan kale oo culus ayaa la filayaa inay gobolka ku dhufato, iyadoo digniinno laga soo saaray bariga Louisiana, galbeedka Georgia, bartamaha Tennessee iyo galbeedka Florida Panhandle