Gedo (Kaab TV) – Duulimaadyada gobolka Gedo ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu bilowday kaddib markii muddo ka badan toddobaad ay xayiraad saarnayd.
Khilaaf ayaa in muddo ah ka taagnaa gobolka Gedo, kaas oo ku saabsan maamulka garoomada gobolka iyo khilaafka muddada dheer jiray ee u dhaxeeyo, Jubaland iyo maamulka gobolka Gedo.
Ilaa saddex duulimaad ayaa maanta ka kacay garoonka Doolow iyadoo ay saddex kalana tageen, berri ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Garbahaarrey ay tagaan duulimaadyo kale.
In kabadan toddobaad ayey duulimaadyadu hakad ku jireen taasoo oo sabab u ahayd khilaafkii horay uga jiray.
Dadka maanta ka duulay gobolka gedo waxay u badnaayeen dad xujey ahaa oo ku xayirnaa gobolka iyo dad xanuunsanaa oo loo soo dhoofinayay magaalada Muqdisho.
Maamulka ka taliya inta badan degmooyinka gobolkaas ayaa sheegay in markii hore ay diideen shakhsiyaad ay sheegeen in laga soo diray magaalada Kismaayo, waa sida ay hadalka u dhigeene, balse markii dambe uu arrrinta soo faro geliyay xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya.
Gedo waxaa tan iyo 2019-kii ka taagan khilaaf u dhexeeya siyaasiyiinta gobolkaas iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa xoog ku bixinaysa sidii Gedo loogu gacan galin lahaa Axmed Madoobe oo sanado badan iska jooga maamulka Jubbaland laakiin waxaa muuqanaysa in wali uu jiro khilaafka Gedo & Kismaayo si kasta oo ay isku bedelaan Farmaajo & Xasan Sheekh.
Maamulka Gedo oo fahansan in Dowladda Xasan Sheekh dhax dhaxaad aysan ka ahayn khilaafka Gedo iyo Kismaayo ayuu ugu baaqay Mr Buulle Hamse Cabdi Bare inuusan dhinacna u xaglin.