SO | EN

SO | EN

Duulimaadyadii rakaabka ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Baydhabo oo hadda dib u billowday kaddib markii rakaabku ay saacado ku xanibnaayeen.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Duulimaadyadii Rakaabka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Baydhabo oo markii hore hakad ku jiray muddo saacado ah subaxnimadii ayaa hadda dib u bilowday, sida ay Mustaqbal u sheegeen dad ku dhow dhow.

Qaar ka mid ah dadka safarka ah ee ku xayiran Garoomada Diyaaradaha ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in Duulimaadyadii ay dib u bilowdeen, islamarkaana ay u suuragashay in ay ku safraan halkii ay rabeen.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka danbeysa hakad kooban oo lagu sameeyay duulimaadyadii magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaana ka dhashay cabasho dadweyne iyo cambaareyn iyadoo joojinta duulimaadyadaas la sheegay in ay ku timid ogeysiis la’aan.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli ka aamusan arrintan, mana jirto isgaarsiin rasmi ah oo la sheegay in ay ka dambeysay hakad kooban oo lagu sameeyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News