SO | EN

SO | EN

Ebrahim Raisi oo booqasho ku tegeya Syria

|

Tehran (Kaab TV) – Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta barito ah kuwajahan caasimada dalka Syria ee Dimishiq booqashada madaxweynaha ayaa qaadan doonto muddo labo maalmood ah ayna tahay talaabo oo qayb ka ah iskaashiga sii daba dheeranayo ee gobolku layeelanayo Xukuumada Syria sida lagu cadeyay war qoraal oo kasoo baxay warbaaahinta dowladda Iran.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha ayaa hoggaaamin doona wefdi balaaran kuwaas oo ay qeyb kayihiin ganacsato iyo madax kala duwan.

Sidoo kale hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo aheyd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aan muhiim u aheyn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale ee ku yaalla gobolka.

Hasayeeshee Ruushka iyo Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaasi oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku naf waayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala bar shacabka dalkaasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News