MAREYKANKA (KAAB TV) -Elon Musk, madaxa shirkadaha SpaceX iyo Tesla, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay Agaasimaha Waaxda Hagaajinta Waxtarka Dowladda Mareykanka.
Musk ayaa Madaxweyne Trump magacaabay sannadkii 2024, isaga oo hoggaaminayay dadaallada lagu dhimayo Hay’addaha dowladda Mareykanka ee ay ku baxaan kharashaadka xad-dhaafka ah.
Intii uu xilkan hayay, Musk waxaa la xiray Hay’addo ay kamid tahah USAID, iyada oo la dhimay shaqaale faro badan.
“Aad baan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump fursaddii uu i siiyay inaan u adeego dalka. Waa waayo-aragnimo adag, laakiin wax badan aan ka bartay.” ayuu ku yiri Qoraal Musk ku baahiyay X.
Inkasta oo uu hadda baneeyay xilkii uu ka hayay dowladda, Elon Musk ayaa la filayaa inuu diiradda saaro hawlihiisa ganacsi ee tiknoolojiyadda sare iyo sahaminta cirka.